Shirkadaha ku midoobay magaca Albayrak ee Albayrak Group waxaa la aasaasay sanadku Markuu ahaa 1952 markaas oo ay ahayd shirkad ka howlgasha dhismaha.shirkadu waxay Ahmiyadda saartay hirgelinta mashaariicda dhismaha oo ilaa laga soo gaaray sanadku markuu ahaa 1982 oo ay howlgelisay qeyb ka shaqeysa gaadiidka maxaliga ah. Shirkaha ku midoobay Albayrak group waxay ku sii baahiyeen howlahooda qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin  Dhismaha&Hantida Maguurtada ah,Farsamada sameynta dharka&samaynta Warqadaha,Martigelinta&Saxaafadda,Maareynta Qashinka,Dalxiiska,Baabuurta,macluumaadka Technologiyadda IT iyo adeegayada Saadka(logistic services).

Maanta,in ka badan 20 shirkadood ayaa hoos yimaada daladda Albayrak, waxaa ay dhisayaan isla markaana mustaqbal u abuuraan in ka badan 5000 oo shaqaale ah.

 

Kooxdu waxay ku biirtay qeybta isku duwidda sahayda ama saadka(logistic sector) sanadkii  1982 markaas oo ay  maalgashatay gaadiidka Basaska iyadoo noqotay hormuud isla markaana yeelatay raxanta Basaska ee ugu balaaran magaaladda Istanbul muddo afar sano gudohood ah. Sanadkii 2003 Kooxdu waxay ku talaabsatay maamulidda Dekedeed kadib markii ay uga guuleysatay dhamaanba tartamayaashii doonayay in ay ku guuleystaan maamulida Dekedda Trabzon oo ay dowladdu leedahay.

Dekedda Trabzon waxay ku taalaa goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka; xiriirisana dowladaha Bariga dhexe iyo dunida inteeda kale. Taas oo ay raacday iibsiga Deked dowladeed taas oo ku taala bartamaha Badda Madow”Black Sea”,hiigsigii  dhanka kaabayaasha Dekedda oo si xiiso badan isku bedelay.

Awooda maareynta Dekedda oo shan jibaar sare u kacday taas oo ay ugu wacneyd maalgelin lagu casriyeeyay iyo fikir ku salaysan hab xirfadeysan.

Maanta meeshii hore loogu yaqiinay Dekeddii hore waxaa loogu yeeraa Trabzon Alport waana taariikh xusuus mudan ee gobolka Badda madow”Black Sea’.

 

Kooxda Albayrak waxay hore u sii wadeen maalgashiga maamulidda Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya. Bishii Septeber 2014 Dekedda Muqdisho oo ay dowladdu leedahay ayaa waxaa lagula heshiiyay shirkadda Albayrak muddo 30 sano ah. Dhamaan xuquuqda maamulka iyo howlgelinta ayaa waxaa la hoos geeyay maamulka shirkadda Albayrak.

 

Ka dib markii ay la wareegtay maamulka Dekedda Muqdisho durbaba talaabooyin lagu sugayo amniga ayaa hore loo qaaday taas oo awood u siisay shaqaalaha maxaliga ah in ay ku shaqeyaan si amaan ah iyo dakhli joogto ah. Kooxda Albayrak waxaa sharaf u ah dhiirigelinta kor u qaadidda dhaqaalaha Somaaliya marka loo eego hagaajinta tayada kaabayaasha Dekedda ,tababaridda shaqaalaha maxaliga ah,kor u qaadida beeraleyda maxaliga ah iyo ganacstada si ay ula jaanqaadaan ganacsiga caalamiga ah,soo dhoweynta ganacsatada in ay si nabadgelyo ah u fushadaan ganacsigooda iyo in dakhli dheeri ah loo soo saaro dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maanta Alport Muqdisho waa albaabka shacabka Soomaaliyeed ku xira khaarijka iyadoo sanadaha soo Socdana ay Muqdisho Alport noqon doonto mid ka mid ah Dekedaha ugu horumarsan uguna aqoonta sareeya qaaradda  Africa.