Soo Dejiyaha

  • 04.2016 waxaa dhaqangal noqday qiimo kordhin dhan USD 190
  • 5.2016 waxaa dhaqan galay iyadoo la xadiday culayska guud ee wixii laga dejinaayo maraakiibta iyadoo lagu saleynayo waxa u dhigma (Unit)/badeeco kasta oo culeyskeedu ka badan yahay 35 ton waxaa la saaray ganaax dhan %30 oo lagu kordhinaayo tacriifada dejinta.sidoo kale Muqdisho Alport ma ogolaan doonto in ay dejiso badeeco culeyskeedu ka badan yahay 40 ton.
  • Conteenar kasta oo ay albaabkiisu ku jiraan haraa,qashin,qashin iyo /sun waxaa uu bixin doonaa ganaax dhan USD 200
  • Ma jiro qof loo ogol yahay in uu galo goobta rasada ka socoto
  • Ma jiro qof loo ogol yahay in uu galo terminalka isagoo aan xirneyn labiska badqabka.

 

Dhoofsadayaasha

Iyadoo la raacayo sixidda loo yaqaano SOLAR VGM ee dhigaysa in dhoofsadaha(shippers)  ay si rasmi ah ugu  soo bandhigaan xamuul qaadaha Dekedda rarka laga qaadayo miisaanka guud ee xamuulka xirxiran .

  1. Shipper-ka wuxuu masuul ka yahay hore u bixinta documentiga markabka oo ay ku xusan tahay miisaan xaqiiqo ah isaga oo u gudbinaya maamulaha  markabka ama wakiilkiisa iyo wakiilka Terminalka  si loogu isticmaalo diyaarinta qorshaha  stowage-ka markabka.
  2. Xaqiijinta guud ahaan cufnaanta waxay shardi u tahay saarista Containerka ee Markabka.

 

Fadlan booqo http://www.imo.org/safety/cargoes/containers/pages/verification-of-the-gross.aspx wixii warbixin dheeri ah kala soco SOLAR VGM.

 

Fariin ku Socota gaadidka Xamuulka

  • Fadlan iska hubi in aadan gaarigaada xamuulka ku demin meesha uu taagan yahay wax ka badan 3 daqiiqo
  • Mar kasta dhigo oo ku danso  meel ku haboon oo firaaqo ah.
  • Mar kasta bixi gaariga xamuulka marka uu gelayo terminalka isla markaana fur iridaha Container-ka faaruqa ah si ay hubiyaan qorayaasha TIR.
  • Dhamaan gaadiidka xamuulka waa in ay ka baxaan Dekedda marka laga qaado rarka ay sidaan. gaadiidkii iska dhex yaala gudaha waxaa laga qaadi doonaa ganaax lacageed hadii uu digniin hore u qabay.gaadiidleyda aan u hogaansamin awaamiirtaan waxay muteysan karaan in lagu ciqaabo shaqada Dekedda oo laga joojiyo.
  • U hogaansan sharciga xawaaraha,ha ku socon xawaare ka badan 30 kilometer saacadiiba.
  • Dhamaan qalabka terminalka ayaa xaq u leh in ay ku dhaafaan.xaqiiji in aad ka istaagto marka ay ku dhaafayaan qalabka Dekedda.
  • Fadlan ha ku hadlin telefoon mobile marka aad waddo gadiidka xamuulka.
  • dhig containers ama chassis meeleha loogu talagalay ee Dekedda.
  • Fadlan ogoow in lagaa eeganayo CCTV camers oo shqeyneysa saacad kasta 7/24.